Faroole “Mar Hore Ayaan Sheegnay in Doorasho ay Ka dhaceynin Soomaaliya”.”

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntalanad C/raxmaan Sheekh Maxamed faroole oo shalay kusoo laabtay Magaalada Garowe ayaa sheegay in Umada Soomaaliyeed ay kula xisaabtami doonaan Madaxda dowlada wixii lagu soo noogay ee iiyagu ay ku yimaadeen.

Faroole ayaa sheegay in mar hore uu sheegay in doorasho ay ka dhici doonin Soomaali Maadaama lagu khasaaray dadaalkii ay usoo galeen in wadanka laga saaro kumeelgaarnimada.

“Waan maqlayey iyadoo labada gole ay leeyihiin doorasho dhici meyso, aniga goormaan sii sheegay in doorasho la qabin karin, maxaa yeelay wixii ka horeeyaba lama haayo, wixii aan ku tacabnay oo aan kusoo daalnay ee ahaa in Soomaaliya ay ka baxdo KMG-nimada oo aan ka saarnaya oo iyaga ay dhaxleen ayey ka sheqeen kari waayeen” ayuu yir Faroole Madaxweynihii hore ee Maamulka puntland.

Maamulka puntland ayaa siyaasad ahaan dhaliilsan hanaanka dowlada fedaraalka oo in badan ay sheegeen inay xiriirka u jareen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran