Xaraash iyo Xoolo Jaban Agabkii Hay’adii Tariinka Ka dhacday ee Cosv (Warbixin).

Suuqyada Magaalada Marka ayaa si xawli ah waxa usoo galay agabkii ay ku shaqeen jirtay Hay’ad beeleedii Cosv ee iyadu ka jiraty shabeelada hoose.

Agabka ayaa isugu jira Alaab Xafiiseed oo kala ah Computar noocyo kala duwa leh, kuraas iyo Miisaska iyo shey kasta oo lagu isticmaali xafiis hay’adeed.

Guriga ay xooga ku haysteen Kaaba Mooryaanata ayaa dhul ahaan ku fadhiyey laba Boos iyo wax ka badan waxaana halkaasi ku jiray alaab tira ahaan aan la qiyaasi karin oo ay ku shaqeen jireen Kaaba Mooryaantii uu ugu weynaa Maxamed Daahir Guuleed.

Inta badan Xafiisyada hada ay ku howlgalaan Shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa xawaaladaha ayaa waxaa lasoo gaarsiiyey waraaqado daabacan oo ay ku qoranyihiin dhammaan alaabta halkaasi iibka ka ah, waxaana warqada ku xusan in alaabtaas lagu bixinayo qiimo jaban oo dadka doonaya ay ku dhibtoon doonin.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii kaaba Mooryaanta ay ka quusteen sii haysashada Magaalada Marka iyo inuu shaqeeyo damcoodii waalnaa ee ay ku joogeen qaybo ka mid ah shabeelada hoose oo hada ay intooda badan la wareegeen Ciidamada Deegaanka.

Dad aan ka gaabsanay inaan baahinno magacyadooda ayaa loo xilsaaray iibinta iyo suuqgeynta agab xafiiseedkan, “waxaana loogu magac daray xaraash iyo xoolo jaban” si iyagana ay ugu helaa nolol maalmeedkooda.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in guriga ay xooga ku haysteen Kaaba Mooryaanta goor sii horeysay ay ka quusteen dadkii iska lahaa oo loo diiday in lasiiyo lacagihii kirada oo xiligii 1995tii lagula heshiiyey ama looga guuro.

Tani ayaa muujineysa jabka baaxada leh ee gaaray kooxaha dhibka umada wax ku raadsan jiray oo hada soo fadhiistay goob cidla ah oo aynaan jirin meel ay uga leexdaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran