Madaxweyne Xasan Sheekh “Anaga Ma dhihin Doorashao Ma dhaceyso, Laakin Noocyo Badan oo Doorasho ah ayaa Jira”.

Madaxweynaha Dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorasho ay dhaceyso Sanada nasoo aadan ee 2016-ka islamarkaan lasoo dooran doono Madax kale oo Dalka Hugaamisa.

Xasan Sheekh ayaa daboolka ka qaaday in Dowlada aynaan sheegin inaysan qabsoomi Karin Doorasho laakiin waxa jira noocyo kala duwan oo doorasha ah.

“Anaga ma dhihin doorashao madhaceyso, Doorasho way dhacee laakiin hal qof iyo hal cod ayaan wadanku ka dhici Karin taas waaye mid la sheegaayo ee arimaha doorashada ku saabsan” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada fedaraalka ah.

Isaga oo sidoo kale ka hadlayey sababta loo waayey in doorasho qof iyo codkiisa lagaarsiin waayo guud ahaan dalka ayuu sheegay in markii hore uu balan qaadka ku jirin in sanada 2016-ka doorasho noocaasi ah ay dhacado balse uu ku tilmaamay mid ka duwan doorashadii iyaga lagu soo doortay sanadii 2012-kii.

“Anagau ma balan qaadin Meel ay ku qorneedna ma jirin hal qof iyo hal cod iyo sanduuq codeedaa aan mitir kasta oo Soomaaliya ah dhigeynaa marna dadka uma aynaan balan qaadin, laakiin dadka waxaan u balan qaadnay 2016 si anaga aan ku nimiday si ka haboon ama ka sahlan ama ka dhib yar ama ka magac iyo ka maqaam fiican in umada aan ku gudbino loo noqon wixii 2011 nasoo maray oo kale kaas waaye waajibka nasaaran oo aan dadaalkeeda ku jirino” ayuu hadalkii sii raaciyey Madaxweyne Xasan.

“Doorasho way dhici doontaa laakiin mida la tilmaamay oo qof iyo codkiisa ah ma suurooweyso wixii kasoo hara mida ugu fiican oo Baarlamaanka dambe uu ku imaan karo oo Dowlad dambe ay ku imaan karto ayaan qaadan doonaa” ayuu ugu dambeyn yiri Madaxweynaha Dowlada.

Dad badan oo siyaasiyiin ah ayaa dhaliilsan siyaasada Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana lagu eedeynayaa inuu ka gaabiyey wax qabadkii uu balanqaaday markii loo dooranayey xilka uu hada hayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran