Maxaa Looga Hadlay Kulan Muqdisho Ku Dhexmaray Madaxweyne Shariif Iyo Maamulka Cusub Ee Marka?

War naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kulan ka dhacay Guriga Madaxtooyada uu ka degenyahay Madaxweyne Shariif Xasan ay wada qaateen Xubno ka tirsan Maamulka Degmada Marka uu u magacaabay.Gudoomiyaha Maamulka Xasan Cumarey Macalin iyo ku xigeenka Maaliyada Amiin Sheekh Maxamed bobow ayaa kulan gaar ah la qaatay Shafiif Xasan oo ay kala hadleen arimo ay ka mid yihiin shaqa la’aanta Maamulkood iyo sida uu ay u shaqeenayaan Maamuladii iyaga lala magacaabay.

Waxbaaha ay kala hadleen Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale waxa ka mid ahaa in Maamulkooda la geeyn la’yahay Degmadii ay ku magacaabanaayeen ayna ogeyn sababta ka dambeysa.

Shariif xasan oo og sababta uu u howlagali waayey Maamulka Afgooye uu kusoo dhisay ayaa ku niyad qaboojiyey xubnaha u baahi qaba inuu maamulkooda shaqa bilaabo in Mudo 20 Maamlmood gudahooda uu geyn doono Xaruntooda.

Shariif oo garwaaqsan inuu dhisay Maamul ay raali ka ahayn Shacabka ayaa waxa u muuqda safar saga uu soconin lagu geyn Karin xubnaha Maamulka ku jira iyadoona qaarkood ay iska casileen xilalkii loo magacaabay.

Waxaa lagu wadaa in Shariif safar deg deg ah uu dhawaan ku tago Magaalada Baydhaba islamarkaana marka uu kasoo laabato uu saldhig ka dhigan doono Afgooye muda ka dibna uu safar uu ku aadi doono Marka si xafiisyadiisa uu u fadhiisiyo Maamulka shaqa la’aanta ah.

Waxaa horey u fashilmay isku dayo badan oo ay sameeyeen Odayaasha Muqdisho oo ugu dambeyn ka kala dhuuntay arimha Maamulka iyo shir geyntiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE