Ururka Daalibaan oo Beeniyey Geerida Hogaamiyahooda.

Warar soo baxayey ayaa saacadihii ugu dambeeyey sheegayey inu geeriyooday Higaamiyihii kooxda Daalibaan Mullah Omar.

Afahayeen u hadlay Daalibaan ayaa Beeniyey warka sheegaya inuu geeriyoodey hogaamiyahooda islamarkaana uu noolyahay warkaasna uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Saraakiil ku sugan Magaalada Kaabuul ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan xaqiijinta geeriga Mollah Maxamed Omar oo warbaahinta gudaha ay baahiyeen inuu geriyooday

Dhawaan ayaa lagu wadaa inuu kulan nabadeed uu dhex maro Dowlada afgaanistaan iyo Kooxda Daalibaan si loo joojiyo dagaala weli ka socda Afgaanistaan.

Ma ahan markii ugu horey oo warbaahinta ay shaaciyaan inuu geeriyoodey hogaamiyaha Kooxda Daalibaan hase ahaatee markii dambe la arkay bayaao uu saayay Mollah Maxamed Omar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran