Duqeyn Diyaaradeed oo Ka dhacday Duleedka Buurhakaba.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Buurhakaba ayaa sheegaua in Duqeyn xaga cirka ah lagu qaaday saldhigyo ay ku sugaanyeen Dagaalyahaanada Shabaab.

Diyaaradaha duqeynta geystay ayaa la rumeesanyahay in laga leeyahay Wadanka Ethopia ayaa duqeysay tuulooyin iyo dhul keyn ah oo ay fariisimo ku lahaayeen Xarakada Shabaab.

Duqeynta oo dhacday xalay fiidkii ayaan lasoo sheegin khasaaraha ka dhashay iyo cid lahayd mas’uuliyada weerarkaasi.

Diyaaradaha laga leeyahay Wadamada Kenya iyo Ethopia ayaa dowladaha reer galbeedka kula soo biiray duqeymaha xaga cirka ah ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran