Kooxda Ahlu Sunnah Lamagac Baxday oo Ka Hortimid Shirkii Muqdsho ka dhacay.

Kooxda AhluSunnah ee Maamusha qaybo ka mid ah Gobolka Galguduud ayaa ka hortimid Shirka lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho.

Cumara Sheekh C.qaadair Aadan oo sheegta gudoomiyaha talada ee Ahlusunnah ayaa timaamay in warmurtiyeedka ay warbaahinta ka maqleen kaliya islamarkaana uu yahay mid aan xiisa ku haynin.

Waxaa uu tilmaamay in shirkaas wixii umada ay rajeenayeen aanu kasoo bixin, wax kasta oo Dowlada muqdisho ay wadana uu ku tilmaamay mid lug gooyo iyo dib u dhac u ah umada Soomaaliyeed.

Madaxda Dowlada ayuu ku tilmaamay kuwo aan horusocod lahayn oo Soomaalidu ay qadyaan ka taagantahay, wuxuu carabka ku dhabay in dalka haatan uu kiro maraxalada ka adag tii uu ku jiray mudo tibanaan san0 ka hor.

Ugu dambeyntii Mas’uulkan ka tisan Maamulka Kooxda Ahlu Sunnah ayaa sidoo kale kasoo horjeestay inay wada shaqeeyaan Dowlada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran