Mareekanka oo Lacago Ku Deeqay Howlgalka Amisom.

Dowlada Mareekanka ayaa lacago ugu deeqday Dowlada Kenya taas oo loogu talagalay Howlgalka amisom ee Soomaaliya.

Lacagta oo gaareysa 5.9 Bilyan oo lacagta Kenya ah ayaa kala bar lacagtaasi loo adeegsan doonaa soo iibsashada Diyaaradaha Droniska, qalab milateri iyo ka hortaga qaraxyada.

Inta kale ee soo hartay ayaa si toos ah u aadi doonata Howlgalka amisom ee Soomaaliya, iyadoona loo adeegsan doono arimo la xiriira Sirdoona iyo xog ururinta.

Mareekanka ayaa dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ugu yabooha Taageero isugu jirta lacago iyo agab Milateri si loo hormariyo howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE