Qabqable Yuusuf Indha Cade oo Weerar Ku qaaday Maamulada Puntlan iyo Jubbaland.

Qabqable Yuusuf Indhacade oo ka mid ahaa qabqablayaashii dhibaatada ka geystay Soomaaliya gaara ahaan Gobolka shabeelada hoose ayaa weerar afka waxa uu ku qaaday Maamulada Puntland iyo Jubba.

Qabqablahan dagaal oo difaacaya Maamulka Beeshiisa ay ku dhisatay Cadaado ayaa ku eedey Maamulada uu weerarka ku qaaday kuwo doonaya inay iyaga kaliya waxsameestaan oo dadka kale waxaba u sameysmin.

Waxaa si weyn u difaacaya Maamulka C/kariin Guuleed oo sida sharci darada ah ku dhisan islamarkaana lagu boobayo Deegaano uu ka taliyo Maamulka Puntlan.

Waxaa uu sheegay in wadanka uu yahay mid fedaraal ah oo cid kasta ay dhulkeeda u madaxbanaantahay.

Qabqable dagaal indha cade ayaa Umada reer shabeelad hoose u diidan mudo laba sana ah inay dhistaan ama ay raacaan maamul iyaga ay ku kalsoonyihiin islamarkaana aayahooda iyaga ay ka tashtaan.

Indha cade oo sheegta Jago uu bililiqeystay ayaa ah dagaale oogihii ugu horeeyey oo beeshiisa ku abaabiyey inay dhac iyo boob hanti iyo mid dhuleedba ka geystaan Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran