Madaxweynaha Puntland oo Gurigisa Ku Booqday C/raxmaana Faroole.

Madaxweynaha Maamulka Puntlanda Cabdi weli Maxamed Cali gaas ayaa gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Dr C.raxmaan sheekh Maxamed faroole.

C/weli gaas ayaa kulan Tacsiya ah la qaatay Dr faroole maalmo ku sugan Garowe islamarkaana ka tacsiyadeenayey Geeridii ku timid Marwadii uu qabay Faroole Marwo Aamina Abiib.

Kulankaas ayaa labada Mas’uul ay uga wada hadleen arimaha siyaasada ee Dalka uu marayo iyadoo ay isku soo hadal qaadeen khilaafka siyaasadeed ee Puntland kala dhaxeeya Dowlada fedaraalka ah.

C/raxmaana Faroole ayaa dhawaan soo garaay Garowe isaga kasoo duulay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliland.

gaas 1

gaas 2

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE