Maxaa Kasoo Baxay Kulan Muqdisho Ku Dhex Maray Shariif Xasan iyo Beelaha Mudulood (Xog).

War ay heleyso Shabakada wararka ee Markanews.net ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho kulan ay ku wada qaateen qab qablayaal kasoo jeeda Beelaha Mudoluud iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Ilo xog ogaal ah oo u waramay Markanews ayaa sheegaya in kulankaasi uu ahaa mid albaabada ay wada xirteen islamarkaana uu in muda ah socday.

Waxaa ay kawada haldeen qodobo kala duwan oo beelaha Mudulood ay weydiisteen Madaxweynah u jilicsn danahooda ee Shariif Xasan.

Beelaha ayaa shariif Xasan weydiistay inay iska dhex arkaan Baarlamaanka dhawaan la dhisayo iyo inay jagooyin Muhiim ah ay ka helaan Maamulka Gobolka shabeelada hoose oo isagana dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Waxyaabaha kale ee Shariif Xasan ay weydiisteen qab qablayaasha Mudulood ayaa waxa ka mid ahaa inuu ka khafiifiyo culeyska ay soo saarayaan Ciidamada u dagaalama Beesha Biimaal oo si weyn u doonaya inay soo celiyaan dhulka ku haray gacanka Kaaba Mooryaanta kaas oo sii wiiqaya awoodi dhaqaale ee ay ku joogeen shabeelad hoose.

Shariif oo lagu eedeeyo inuu u nugulyahay danaha Kaaba Mooryaanta iyo qab qablayaasha oo uu uga baqayo inay ka riixdaan kurisgiisa Mustaqbalka uu rabo misna tuhunsan in iyaga la’aantood uu hirgelayn Maamulkiisa ayaa u balan qaaday in xubno ay ka heli doonaan Xillibaanada lagu wado in lagu dhiso dhawaan Baydhaba.

Sidoo kale wuxuu kalsooni buuxda uu ka geliyey xubno ay ku dhaqdhaqaaqi karaan inuu kasiin doono Maamulka Gobolka shabeelada hoose oo lagu wado in dhawaan lasoo dhameystiro dhisidiisa.

Ilaha Warkan aan kasoo xiganaya ayaa sheegaya in Shariif Ganacsatada Beelaha Mudulood uu ugu baaqay inay dhaqaale ku garab istaageen Maamulkiisa oo sida uu tilmaamay dhaqaalihii ay ka sugayeen Beesha Caalamka weli lasoo gaarsiin.

Madaxweynaha Maamulka aan weli kasoo dhalaalin howlihii looga fadhiyey ayaa wada waxyaabo uu ku sharciyeenayo qab qablayaal ku fashilmay dagaalo ay kusoo qaadeen shabeelada hoose oo hada si siyaasadeesan u doonaya inay kusii haystaan Gobolka.

Siyaasadda indha la’aanta ah ee Shariif Xasan ayaa dadku tilmaamayaan  inay tahay shirqool uu la damacsanyahay dadka kasoo jeeda Koonfur galbeed Soomaaliya.

Shariif ayaa marar badan jagooyin kala duwan u magacaabay Kaaba Mooyaanno dhibaatooyin ka geystay Shabeelada hoose oo sida muuqata lagu abaal mariyey jagooyinkaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE