Musyoka “Darbiga Laga Dhisayo Xuduuda Beritana Ma Islii baa Lagu wajin doonaa”

Hogaamiyaha Mucaaradka Dowlada Kenya KalonZa Musyoka ayaa ka deyriyey dargiga Dowlada ay ka dhiseyso Xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Hogaamiyahan Mucaaradka ayaa sheegay in derbigan aan waxba ka bedeli doonin xaalada amni daro ee kusii xoogeysaneysa Wadankaasi Kenya iyo dhaqdhaqaaqa shabaab.

Siyaasiga oo la hadlayey ardeyda Jaamacadda Nayrobi qeebteeda Xaafada Parlands ayaa ku andaconaya in dhalanyaro kenyaan ah ay qaateen fikirka kooxda Shabaab taasna ay suuragelineyso inay sii xoogeystaan dagaalada shabaabku ka wadaan gudaha Kenya.

Musyoka ayaa hadalkiisa intaa raaciyey in muwaadiniinta keenyaanka ah ee ku biireysa shabaab ay kordhiyeen weerarada ay qaadeyso shabaab.

“Derbiga Kenya dhiseyso waxba sooma kordhin doono, maadaama dadka kenyaanka ahi qaateen fikirkii alshabaab. aanse isweydii beritana ma Islii baa derbi lagu wareejin doonaa”.

Dowlada Kenya ayaa ku howlan dhisida derbi ay ka sameeneyso halka ay iska galaan Soomaaliya iyo Kenya kaas oo ay sheegtay inay kaga gol leedahay inay ku hakiso weerarada shabaab kaga imaanay Dowlada Kenya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran