Shabaab oo Salaada Janaasada ah u Dukaday Geerida Mullah Maxamed Cumar.

Mid ka mid ah Masaajida ku talaa Gobolka Shabeelada hoose islamrkaana ay Maamusha Xarakada shabaab ayaa lagu Tukaday Salaatul Janaasa oo loo niyoonayey Hogaamiyaha Kooxda Daalibaan Mullah Omar oo la shaaciyey inuu geeriyooday.

Sawiro algu baahiyey barta Inaternetka ayaa muujinaya Gudoomliaya Gobolka Shabeelada hoose ee Xarakada shabaab Abuu Cabdalla oo Salaada Janaasada dadka tujinaya.

Kooxda Daalibaan ayaa shaacisay geerida hugaamiyahooda oo geeriyooday sanado ka hor oo aan laga war helin xiligaas ilaa hada.

Maamlo ka hor ayaa sirdoonka Dowlada afgaanistaan shaaciyey inuu geeriyooday Mullah Omar islamrkaana uu warkaasi yahay mid xaqiiqa ah.

Afahayeen u hadlay Kooda Daalibaan ayaa shaaciyey Geerida hogaamiyahooda islamarkaana ay doorteen hogaamiye cusub oo sii wada howlaha kooxda.

Daalibaan oo ka dagaalanta Afgaanistaan ayaa ku guuleystay inay qariyaan mudo sanado ah geeriga Hogaamiyahooda oo geeriyooday bartamihii sanadii 2013kii.

2-640x480

31-640x480

0-640x480

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE