Warar kala Duwan oo Kasoo Baxaya Dadkii ay Amisom Ku laaysay Magaalada Marka Xalay ilaa Saaake

Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan dadka ku geeriyoodey howlgal Ciidmada amisom ay ka sameenayaan xaafadaha Magaalada Marka, holwgalkaas oo ilaa haatan weli socda.

Howlgalka oo ahaa mid guri guri ay u galayaan Ciidamada ayaa inta hada la ogyahay dhimashadu waxay kor u dhaafeysaa 14 ruux oo aan weli meedadkooda laga soo qaadin goobihii lagu toogtay.

Dadka Amisom sida bareerka ah ay u dishay ayaa waxa ku jira Nin Kawaanle ahaa oo lagu magacaabo Maclin Iidey oo ay ugu gashay guriisa islamarkaan halkaasi ay ku dishay afar (4) Wiil uu dhalay iyo isaga taas ayaa ka dhigan in hal goob lagu wada toogto shan ruux oo isku qoys ahaa.

Sidoo kale waxa jira Odayaal lagu sheegay inay reer baadiya ahaayeen oo ay wateen gaari dameero oo xalay oo dhan kusoo guureenayey Wadooyin bacaad ah si adeeg khudaar ah oo ay wateen ay usoo gaarsiiyaan Suuqa Marka, waana seddax qof oo iyagana hal goob lagu toogtay.

Waxaan weli la kala cadeen karin inay jiraan dhaawacyo ku jira xaafadaha iyadoo la rumeesanyahy indhaacyada intooda badan ay u dhinteen Dhiig bax ka dib markii cid u gurmata la waayey.

Waxaa hakad ku jira Suuqa ganacsiga ee Marka oo Maanta haawanaya islamarkaana aanu jirin cid usoo ganacsi doonata.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE