Afahayeenka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Mar kale Kasoo Muuqday Tv-ga Kalsan (Warbixin)

Afahayeenkii madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kasoo muuqday TV-ga Kalsan oo uu ka shaqeenayey intii aan loo magacaabin xilka Afahayeennimo.

C/qaadir Maxamed Cashra Nadaara ayaa dadku daawanayey Tv-ga ay la yaabeen ka dib markii ay ku ogaayeen howlo shaqa ah oo uga maqnaa Soomaliya.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Nadaara uu ka fiirsanayo xilka uu u hayey maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hugaamiyo Shariif Xasan.

Sababtay keentay inuu ka fiirsado inuu xilka iska casilayo iyo in kale ayaa lagu micneeyo arimo kala duwan oo la xiriira mushahar la’aan iyo siyaasada qalafsan ee uu ku shaqeeyo maamulka.

Nadaara ayaa ka carooday mushahar la’aan xilliga kooban ee uu xilka haayey, Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa C/qaadir Nadaara u sheegay in Wasiirada qaarkood lagu biilo dhaqaale kasoo xarooda gobolada Baay iyo Shabeelada Hoose, walow aan weli dhaqaale isbaaro laga haaynin gobolka Bakool oo dhibaatooyin kala duwan la daalaa dhacaya.

Dhaqaalahaas ayaa loo sheegay wariyaha in loo kala qaado gunnooyin lasiiyo wasiirada iyo ku xigeenada iyo madaxweynaha, islamarkaana aanu weli jirin dhaqaale rasmi ah oo lagu wado maamulka hadii uu jirana waqtigan aan loogu talagalin in la qaato.

Nadaara ayaa qaatay go’aan ah inuu ka fiirsado kusii lug lahaanshaha arimaha maamulka Shariif Xasan oo dib uu ugu laabto Tvga Kalsan oo markii hore uu ka yimid.

Horaantii sanadkan hada socda 2-dii Maarso ayaa wareegto kasoo baxaday xafiiska Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed lagu magacaabay C/qaadir Maxamed Cashra Nadaara.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran