Amisom oo Markale Inkirtay Dhibka ay Marka ka Geysatay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Amisom ayaa lagu sheegay in aanu jiri dhibaato Ciidamada misom ay ka geysatay Magaalada Marka.

Amisom ayaa iska fogeysay in dad shacab ah ay ku dileen Marka islamrkaan galabnimadii jimcaha qarax lala eegtay gaari ay wateen oo dhaawac uu kasoo garaay mid ka mid ah askatooda.

Waxay qoraalkooda ku sheegeen markii qaraxa uu dhacay ka dib ay maqleen rasaa u muuqatay meel aan ka fogeyn markii ay ku baxeena ay la kulmeen kooxo ilaa shan gaaraya oo doon ku baxsaday.

Iyadoo ciidamadu wadaan howlgal ayey lakulmeen meydadka 7 ruux oo yaalay dhanka Biyaha” ayaa lagu yiri warka AMISOM.

Amisom waxay sidoo kale warkooda ku sheegeen inay tuhmayaan in falkan ay ka dambeeyeen kooxad alshabaab oo kasoo horjeeda.

“Waxaan si mas’uuliyadnimo u sheegeynaa in Shabaab hada ay bilaabeen dilka dadka shacabka ah si loogu xumeeyo amisom taas oo ah adeegsiga dicaayado raqiis ah” ayaa lagu yiro qoraalka amisom.

Amisom ayaa markii labaad inkireysa dhibaatada ay ka geysanayaan Magaalada Marka, iyadoona dhibkii ugu dambeeyey ku dilay shan ruux oo isku qoys ahaa inkana fogeysay Dilkooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran