Axmed Madoobe oo Sheegay in Gogol Nabdeed ay Dhigayaan Magaalada Kismaayo

Hugaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo ka hadlayey Munaasabad lagu ansixinayey Dastuurka Maamulkaasi ayaa sheegay inuu jiro khilaaf ka dhaxeeya Maamulkiisa iyo Dowlada Fedaraalka.

Waxaa uu sheegay inay jiraan tabashooyin ay ka tirsanayaan Gudiyada ay magacawday Dowlda fedaraalka iyo arimo kale, hase ahaatee waxa uu ku nuux nuuxsaday inay sameen doonaan gudiyo arintiaasi xaliya si loo dhameeyo khilaafka jira.

Waxaa sidoo kle uu tilmaamay inay Kismaayo dhigi doonaan gogol dib u hishiisiineed oo Soomaaliweyn oo dhan ay ku wada hadli doonaan, Dowlada dhexe ee Muqdisho ayuu ka codsaday inay ku taageerto gogoshaasi.

Maamulka SAxmed Madobbe oo lagu wado inuu dhawaan geli doono doorasho madaxtinimo ayaa khilaaf xrgaha goostay waxa uu kala dhaxeeyaa Dowlada fedaraalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE