Safiirka Dowlada UK ee Soomaaliya ayaa Gaartay Magaalada Kismaayo.

Safiirka dowladda Uk u qaabilsan Soomaaliya Harriet Mathews iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.

Wafdiga ayaa Garoonka diyaaradaha waxa ku soo dhaweeyey madaxda maamulka Jubba iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom, soo dhaweynta ka dib waxa loo galbiyey madaxtooyada maamulka Axmed Madoobe.

Waxa hada socda Shir ay saxaafada dibad joog ka tahay oo ay wada yeelanayaan Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dowlada Britain.

War hoose ayaa sheegaya in Safiirada iyo Axmed Madoobe ay ka wada hadlayaan arimo ku saabsan doorashooyinka Maamulka Jubba oo lagu wado in 15 ka bishan halkaasi lagu qabto.

Danjire Harriet Mathews ayaa shalay gaartay Magaalada Baydhabo halkaaso oo kulamo kala duwan ay kula soo qaadatay Madaxda Maamulka Koonfur galbeed.
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran