Dhegeyso Dhibane La Kulmay Dhibka Amisom “Gurigay inaan soo Joogo Naf Waa Isiin weysay, Hadana Ilmaha ayaan Soo Raraa”.

Nin goob-jooge ah oo diiday inaan magaciisa faafiso ayaa si kooban uga sheekeeyey xaalad qatar badan oo uu kala kulmay xaafadiisa Marka xilli uu ka yimid safar in mudo ah uu ku maqnaa.

Ninkan Odeyga ah ayaa markii aan la kulmayey dhex lugeenayey wado bacaad ah oo dhacda duleedka magaalada Marka isagoo markaasi diidanaa inuu maro wado laami xilli ay ka guuxayeen wixii uu lasoo kulmay.

Waxaa uu iisheegay in safar uu ku maqnaa islamarkaan xilliga qaraxa uu dhacayey wax yar ka hor uu girigiisa galay,wax ka yar seddex daqiiqo intuu guriga ku jiray uu maqlay qaraxa,saacad ka dibna ay warheleen ciidamada Amisom oo xirtay agagaarka xaafadiisa.

Sidoo kale,waxa uu sheegay in guryo badan ay albaabada ku jabiyeen islamarkaana ay dad ku waxyeeleeyeen, isagoo markii uu guriga kasoo baxayey ilaa waqtigii uu tagayey xabadka uu dhulka ku hayey si uu uga nabad galo rasaas ay ridayeen ciidamada Amisom.

Waxa uu intaasi raaciyey inuu safar yahay islamarkaana uu soo baadigoobayo goob amaan ah oo uu geysto qoyskiisa oo markaasi uu kusoo dhaafay goob amaankeeda uusan ku kalsooneyn.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran