Dhegeyso siyaasiga Muxyadiin Xaaji” ma jiro wax maamul ah oo ka jira degmada Marka, waxaana la…”

Siyaasiga Muxyadiin Xaaji Ibrahim oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sh.Hoose, kana mid ah hogaanka sare ee xisbiga Kulan ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadii ay ciidamada Amisom dad rayid ah ku xasuuqeen magaalada Marka.

Siyaasiga Muxyadiin Xaaji ayaa dusha uga tuuray xukuumadda Xasan Sheekh in ay mas’uul ka tahay arintaas, isagoona ugu baaqay in ciidamada Amisom lagula xisaabtamo tacadiyda ay geysteen.

Muxyadiin ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in wax maamul ah uusan ka jirin degmada Marka,arintaasna ay geyb ka tahay sababaha ay ciidamada Amisom xasuuqa uga geysanayaan degmada, waxa uuna sheegay in aysan degmada ka jirin maamul iyo ciidamo booliis iyo milateri oo Amisom kala hadla in aysan dadka rayidka dhibaateyn, la isagana dhex baxay ciidamada Amisom iyo shacabka.

Siyaasiga Muxyadiin ayaa intaa ku daray in qoyska ay dhibta ugu daran ku dhacday degmada Marka ee ah qoyska reer Iidaaye ay yihiin dad magaalada caan ka ah, wax xiriir ahna aysan la lahayn qolyaha ka soo horjeeda dowladda iyo ciidamada Amisom.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran