Dhageyso Gudoomiye Yariisow oo sheegay in Amisom ay Xasuuq ba’an ka geysatay Marka, kana hadlay sida ay wax u dhaceen

Gudoomiyaha xilka ka sii degaya ee degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow oo ka hadlay dhacdadii ay dadka rayidka ahaa ku dileen ciidamada Amisom magaalada Marka ayaa sheegay in dhamaan dadka la dilay ay ahayeen dad rayid ahaa oo qaarkood dhaawac ahaa oo ay dhameystireen ciidamada Amisom.

Yariisow ayaa sheegay in falka xasuuqa uu yimid kadib markii gawaari ay la socdeen Amisom lagu qarxiyay goob aan ka fogeen halka ay dadka ku dileen oo hayd guri uu aroos ka dhacayay.

Gudoomiye Yariisow ayaa intaa ku daray in asiga iyo saraakiil ka socota Amisom ay kulan u balansan yihiin wixii ka soo baxana ay warbaahinta la wadaagi doonaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran