Jaamacadda Gaariisa oo Dib Loo Howlgelin Doono.

Jaamacada Gaarisa oo weerar qorsheysan ay ku qaadeen dagaalyahaano ka tirsan shabaab islamarkaana xirantaya ayaa lagu wadaa in dib loo howlgeyo.

Kulan looga tashanayey sidii loo furi jaamacada ayaa waxa lagu qabtay Hoolka Kaamaca kaas oo kusoo dhamaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu furo Jaamacada oo dhawaan dayactir lagu sameeyey.

Prof.Axmed Warfaa oo ka mid ah Hormuudka Jaamacada Gaariisa ee waqooyi bari kenya ayaa warbaahinta u sheegay in horaanta bisha nasoo aadan dib loo furayo Jaamacadda islamarkaan ilaalo xoogan la dhigi doono hareeraha Jaamacadda si ay uga qayb qaataan sugida amaanka.

Waxaa uu sheegay in la diyaariyey gaadiid iyo ilaalo si loo damaanad qaado amaanka ardeyda, Maclimiinta iyo shaqaalaha ka howlgala.

Ardeyda Jaamacada ayaa hada si kumeel gaar ah loogu wareejiyey Moi University ee ku taalla Degmadda Eldoret.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE