Madaxweynaya Puntland “Doorashada Dalka Waqti ayaa Loo Balamay”

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in doorashada dalka loo balamay inay dhacdo waqti horey loo go’aamiyey.

Gaas ayaa tilmaamay in waqti kororsiimo aan loo haaynin Madaxda dalka ee hada talada haysa isagoona ugu baaqay guud ahaan Soomaalida inau u midoobaan sidii doorasho dalka ay ugu dhici lahayd loogana baaqsan lahaa in mudo kordhin loo sameeyo Dowlada hada shaqeeneysa.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlayey Munaasabad lagu xusayey 1-da Agos ayaa sidoo kale waxa soo hadal qaaday in cafis loo fidin doono dhalanyarada ka tirsan Xarakada Shabaab.

Wuxuu ugu baaqay inay kasoo tagaan shabaab islamarkaana aan waxd dhibaata ah aan loo geysan doonin hadii ay kasoo baxaan safka ay hada ku jiraan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE