Nin Barakacaya “Dereskay Waa laga Guurey anna Hada ayaan Alaabaty qaadan rabaa, Laakiin Baabuur la’aan ayaa jirta”.

Waxaa inta badan Maanta Mashquul ah Wadada Xeebta ah ee Xiriirisa Marka ilaa Muqdisho ka dib markii barakaca ka jira Xaafado qaar oo ka tirsan Marka ay noqdeen kuwo si xawli ah u socda.

Dadka ayaa naftooda ugala cararaya Ciidamada amisom oo dilka dadka shacabka ah caadeysatay,islamarkaana aan jirin cid wax ka qaban karta ama kula xisaabtameysa falalka ay kula kacayaan Shacabka.

Dad qaar eek a barakacaya xaafadaha ay dhibaatada amisom saameysay ayaa la hadlay Markanews.net waxayna sheegeen in dhibaatooyin aan kala jogsi lahayn ay kala kulmayaan Amisom weliba inkiraad la dul taagan wixii ay geysato.

Waxay intaasi raaciyeen in Maanta inta badan la faarujiyey xaafadaha Ruusiyo,abasiibo iyo Meelo kale oo laga baqdib qabo in dhibaatadii shalay iyo tii hore mid ka daran ay dhacdo.

“Deriskay waa laga guuray anna hadaan rabaa inaan ciyaalkay gaari saaro laakiin baabuurta Mashquul waaye, boosteejada xeebta ayaan joogaa, meel aan ciyaalkay iyo ani aan ku badbaadi karno ayaan geehaa Marko waa macsalaameeyey” ayuu yiri Nin odey ahaa oo la xariirnay.

Dhibaatadii 21kii bishii hore Ciidamada amisom ay la geysanayeen xaafadaha Jujuumo iyo Ceel Bashiirow oo shacabka ay weli dhegahooda ka guuxayaan ayaa waxa usii dheeraa tii shalay oo shacabka raja la’aan dhigtay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE