Wariyeyaal U Xiran Kooxda AhluSunnah oo Maanta Lagu Wado in Maxkamad Lasoo Taago.

Kooxda Ahlu Sunnh oo Maamusha ee Maamusha qaybo ka mid ah gobolka galguduud ayaa Maanta Maxkamada soo taageysa Wariyeyaal u xiran oo ay ku eedeysay inay jabiyeen awaamiir ay horey usoo saareen.

Mursal Sheekh Maxamed Xeefow oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Kooxda Dhuusa Mareeb ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in Wariyeyaasha Maxkamd lasoo taagayo si eedeymaha loo heysto wax looga weydiiyo.

Wriyeyaasha la xiray ayaa isugu jira afar Rag iyo Hal Dumar ah kuwaas oo sida ay ku doodayaan Ahlusunnah oo loo heysto inay baahiyeen dibad ka dhacay Dhuusa Mareeb oo looga soo horjeeday Maamulka Dhuusa Mareeb gacanta ku haaya.

Kooxha Suufyada ee gacanta ku haaya qaybo ka mid ah Galguduud ayaa dhawaan soo saaray awaamiir ku aadan in wariyeyaasha ka howlgala deegaanada ay gacanta ku hayaan inaynaan baahin karin wax la xiriira Maamulka iyo arimo kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE