Axmed Madoobe “Waxaan U baahannahay in La Kordhiyo Waqtiga Doorashada si Doorasho Xalaal ah Loo Qabto”

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa Baarlamaanka Maamulkiisa weydiistay in mudo lagu daro maalinta doorashada la qabanayo oo ku beegan 15 ka bishan.

Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay waqti si loo helo doorasho uu ku micneeyey Mid xalaal ah, maadaama waqtiga doorashada loo asteeyey ay yartahay.

Baarlamaanka Maamulka Jubba ayaa ka horyimid Mudo kordhinta uu soo bandhigay Axmed Madoobe, waxayna sheegeen in Maalinta doorashada loo soo diyaar garoobo.

Dhawaan ayaa lagu dhawaaqay in Kismaayo lagu qaban doono doorasho kedis ah islamarkaana ay soo gudbiyaan musharaxiinta dooneysa inay isa soo taagaan araajidooda.

Lama hubo cid la tartami doonta Axmed Madoobe marka laga reebo isaga oo noqon doona Musharaxa ugu horeeya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE