Dowlada Soomaaliya oo Gudi Xaqiiq Raadin ah U Magacaawday Dadkii Lagu Xasuuqay Marka.

Golaha Wasiirada Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdishoa ayaa ka hadlay xasuuqii Ciidamada amisom ay ka geysteen Magaalada Marka.

Wasiirada ayaa gudi xaqiiq raadin ah u saaray dhibaatada Marka ka dhacday ee Amisom ay ku dishay dad shacaba ah oo aan waxba galabsan.

Dhawaan ayaa gudi xaqiiq raadin ah oo ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay soo gaaray Magaalada Marka si ay u baaraan dhibaatada amisom hase ahaatee iyagoo wax natiija ah aanan ka helin ayey isaga laabteen Marka.

Waxaana jira cabashooyin kala duwan oo ay gudbinayaan dadka shacabka ah taas oo ku aadan in wax laga qabto dhibaatooyin kaga imaanaya amisom.

Amisom ayaa beenisay dhibaatooyinka ay ka geysteen Marka waxay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE