Garyaqaan Geytaanow “Isku day Kasta oo Gobolka Lagu qbsan lahaa waa Fashilmay”.

Garyaqaan Maxamed Abuukar Geytaanow oo ah Taariiqyahaan wax badan ka faalooda arimaha Gobolka Shabeelad hoose ayaa ka hadlay Duulaanka gar darada ah ee lagu hayo Shabeelada Hoose.

Garyaqaanka ayaa si qoto dheer uga sheekeenaya Damaca waalan ee Beelaha soo Duulay ay ka leeyihiin Shabeelad hoose weliba ay u doonayaan in si awood leh ay ku qabsadaan iyo wajiyo kala duwan oo la doonayey in lagu qabsado.

“Waxaa socon waayey isku day kasta oo deegaanka lagu qabsado, dagaalo ayaa dhacay oo lagu diidanaa in deegaanka la qabsado, laba sano in ka badan ayey dagaaladu socdaan hada waxay marayaan marxaladii ugu dambeysay” ayuu yiri Geytaanoo.

Shariif Xasan ayuu ku eedeeyey Mas’uul aan wax dan ah ka lahayn umada xilka u qaaday hase ahaatee doonaya xilka uu hada haayo mid uu kusii fuulayo Mid kasii sareeya oo uu ula jeedo inuu ku gaaro Madaxweynaha Dalka.

“Isku dayo ayaa weli jira, markii la dhisay koonfur galbeed Madaxweynaha wuxuu heshiis la galay kooxihii deegaanka qabsan rabay oo dagaal meel ku qabsan waayey, isagaa raba inuu si basareysan deegaanka gacanta ugu geliyo si heshiiska uu u fuliyo” ayuu hadalkiisa siiraaciyey.

Waxaa sidoo kale uu ka hadlayaa heshiis beenaadyadii dhicisoobay ee lagu shirqoolayey Shacabka Shabeelad hoose, iyo sida loogu feejiganaa.

“Sideed jeer ayaa shirar dhaceen, go’aano ayaa laga soo saari jiray oo dagaalada lagu joojinaayo markasta oo heshiisyadaas la gaaro oo dibada loosoo baxo Maxaa dhici jiray, qolooyinka deegaanka la dagaalameysa mar walba waxay ka baaqsan jireen inay fuliyaan go’aanada shirka lagu gaaray, sideedaas jeer iyagaa fashilin jiray” ayuu ayuu hadalkiisa sii raaciyey Garyaqaan Geytaano.

Wuxuu ka hadlaayey Maamulka Shariif uu magacaabay “Maamulka oo dhan wuxuu ku saleeyey kuwii duulaanka ahaa siday rabeen Xog’hayaha Dowlada hoose ayuu ku magacaabay nin reeraha dhul boobka ka tirsan muxuu yahay xo’hayaha dowlada hoose, Shariifaa hal gajo na weydiistay ayaa umada loogu sheekeeyey” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Geytaanow.

Ugu dambeytii wuxuu Garyaqaanka soo hadal qaaday hal ku dhigayada ama erey bixino ay adeegsanayaan warbaahinta ka qayb qaadaneysa dhulka boobka.

“Beel Soo Duushay oo caan ku ah rabshadaha iyo Dadkii deegaanka ayaa dagaalamaya ee beelo wada dega ma wada dagaalamayaan” ayuu hadalkii kusoo afmeerey Garyaqaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE