Maxaa Loo Xiray Nabadoon Tima Guduud (Cod + Warbixin).

Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira Xariga Nabadoon Maxamed Abuukar Tima guduud iyo cida ka dambeysa.

Nabadoonka ayaa sida la sheehgay lagala degay Gaari Pl ah oo uu saarnaa xilli uu marayey meel u dhow Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolak Banaadir.

Ehelada Nabadoonka ayaa sheegay inay jiraan tuhumo kala duwan oo ay ka qabaan dad siyaasad ahaan iyo mabda’ahaan ay iska soo horjeedeen Nabadoonka.

Waxay sheegeen in dhawaanahan Nabadoonka iyo Odayaal kale oo dhaqanka Beesha Biimaal ah ay wadeen abaabul ku aadan sidii dadka deegaanka ay uga xuroobi lahaayeen siyaasado laga maamulo hoteelo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Siday eheladu Xaqiijinayaan Dhawaan ayaa kulan ka dhacay Mid ka mid ah Hotelada ku yaala Wadada Makka Almukamara ee Muqdisho ay wada qaateen isaga iyo Odayaal aan helin waxay ahaayeen ayaa lagu weydiistay inuu joojiyo abaabulka uu ka wado Nambar 50 iyo Deegaagaanada la mid ka ah.

Nabadoonka ayaa si kalsooni leh ugu warceliyey weydiintaas inuu yahay Oday Mas’uuliyadi saarantahay oo ay sugayaan shacab dhibaatooyin kala duwan la daalaa dhacaya.

Cali Maxamed Abuukar (Cali Deekow) oo la hadlay Markanews.net ayaa sheegay in tuhunada ay iska badanyihiin saacadaha soo socdana ay soos aari doonaan warka rasmiga ee aabahood loo xiray.

Dhegeyso Dekow.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE