Wasiirada Arimaha Dibada ee Ruushka iyo Mareekanka oo Taagay Dooxa

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa Axadii shalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimada Qatar.

Mas’uuliyiintan gaaray Dooxaa ayaa kulamo lasoo yeelanaya madaxda dowladaha khaliijka si ay uga soo dhaadhiciyaan heshiiskii dhawaan laga gaaray bacriminta hubka neuklerka Dalka Iiraan.

Keyr ayaa doonaya inuu dadlka khliijka oo ka walaacsan awooda Iiraan inuu ka dhaadhiciyo heshiikii Magaalada viena ee dalka Austria.

Shalay ayey kulan gaar ah ku yeesheen magaalada Dooxa Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Khaliijka ee GCC kuwaasi oo kahor imaanshaha Kerry iyo Lavrov kasii wada hadlay qodobada ay kala shiri doonaan Maraykanka iyo Ruushka.

Xogayahaya arimaha dibada Mareekanka ayaa inta uusan soo gaarin Dooxa soo maray Magalaada qaahira halkaas oo kulamo uu kula soo yeeshay Madaxweynaha Masan C/fataax Alsisi.

Mareekanka ayaa dhawaan deeq Diyaaradaha Milateriga ah gaara ahaan nooca F-16 ku deeqay Dowlada Masar.

Wasiirada arimaha dibada dalalka khaliijka, Ruushka iyo xogayahay Arimaha dibada Mareekanka ayaa sidoo kale iski soo hadal qaadi doonoa mashaakilaadka ka aloolsan Wadamada Ciraaq, siiriya, yaman iyo la dagaalanka kooxda ISIS.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE