Axmed Madoobe oo Lagu Wado Inuu Gaaro Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe hogaamihaya maamulka jubba uu safar ku yahay gobolka Gedo.

Axmed madoobe ayaa lasoo sheegayaa inuu safar ku tagi doono Degmooyinka Doolow iyo Baardheere ee ka tirsan Gedo.

Warar ayaa sheegay in Degmada Doolow uu ku hormari doono halkaasi oo hada ay ka socota qaban qaabada soo dhaweynta hogaamiyaha.

Hadii safarkan oo hirgalo ayaa noqon doono safarkii ugu horeeyey oo Axmed Madoobe uu ku tago Gobolka Gedo tan iyo Markii uu yimid Kismaayo islamrakaana lagu dhawaaqay Maamulka Jubba.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran