Dawladda Soomaaliya oo magacawday wakiilka joogtada ee QM u fadhiya Geneva

Wakiilka  cusub ee Soomaaliya u matalayeso xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva Faadumo Cabdulaahi Maxamuud (Insaaniya) ayaa waraaqaheeda aqoonsiga ku wareejisay Michael Moller oo ah agaasimaha guud ee xafiiska QM ee magaalada Geneva.

Faadumo Cabdulaahi, ayaa kasoo shaqeysay xafiiska wasaarada arimaha dibada iyo maalgashiga tan iyo sanadkii 2013, waxayna kamid aheyd xildhibaanada baarlamaanka Soomaaaliya iyadoo kamid ah gudiga qorsheynta caalamiga ee baarlamaaanka.

Intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2008 Faadumo waxay aheyd la taliye ka tirsan hay’ada horumarinta mashaariicda QM ee UNDP iyo xafiiska QM ee adeegyada mashaariicda kala duwan.

Marwo Faadumo ayaa noqoneyso wakiilka joogta Soomaaliya ee xafiiska QM ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay kordhineysaa maalmahan dhinaca doblamasiyadda si ay u hesho kaalmo iyo dhinaca aqoonsiga dawladnimada maadaama ay muddo ka maqneyd saaxdada caalamka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran