Kooxo Hubeysan oo Muqdisho Ku Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Hay’ada Miina Baarista

Sarkaal ka tirsanaa hay’ada Miina baarista Qaramada Midoobe ee Mine action ayaa maanta kooxo hubeysan ay ku toogteen degamada Jajab ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Degmada Xamar jajab ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in sarkaalkaas lagu dilay waaxda Gaheyr ee Degmadaas.

kooxaha Dilka geystaya ayaa ku hubeysnaa bistoolado waxayna isaga baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen xilli sarkaalka la dilay uu kusii jeeday goobtiisa shaqada.

Sarkaalka ayaa sidoo kale lasoo wariyey inuu ka tirsanaa Ciidamada Boliiska gaar ahaa qaybta tababarka hay’ada Mine action.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran