Madaxweynaha Suudaan Oo Lagu Wado Inuu Ka qayb galo Shir ka Dhici dona New york

Madaxweynah Suudaan Cumar Xasan albashiir ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka sanadlaha ee Qaramada Midoobe kaas oo lagu qaban doono Magaalad New york.

Ku xigeenka ergeyga Suudaan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa warbaahinta ka sheegay in Madaxweynaha Suudaan uu ka qayb gali doono Shirka Sanadlaha ee qaramada midoobe halkaasi uu kula kulmi doono Madaxda Caalamka.

Ajandaha Shirka ayaa noqon doona sidii loo hormarin karo aduunka 15ka sano ee soo socda.

Madaxweyna Suudaan Cumar Xasan albshiir ayaa qudbad ka horjeedin doona Shirka Qarmada Midoobay ee dhamaadka Septembar ee nasoo aadan.

Afahayeenka Wasaarada arimaha dibada ee Suudaan ayaa ka gaabsaday in wax tafaasiil ah uu ka bixiyo safarka Madaxweynaha Suudaan.

Albashiir ayaa dacwad waxay ka taalaa Maxkamada Dambiyada Dagaalka hague ka dib markii lagu eedeeyey inuu geystay dambiyo dagaal iyo kuw bina aadannimo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran