Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba oo Booqday Xero Ciidan oo Ku Taala Dhoobley (Sawiro)

Mas’uuliyiin Ka tirsan Maamulka Axmed Madoobe ayaa booqasho ku tagay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada hoose.

Wasiirada ayaa kormeeray Xero Ciidan oo ay ku jiraan boqolaal ka tirsan Ciidamo dhawaan tababar loosoo gaba gabeeyey kuwaas oo la doonayin lagu qabto gobolka Jubada dhexe.

Wasiirka arimaha bulshada Maamulka Jubba Macallin Maxamed oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta booqday xerada milateriga ayaa ciidamadaas ku tartarsiiyey inay si buuxda uga qayb qaataan la dagaalanka Xarakada shabaab.

Gobolka Jubada hoose oo si buuxda ay gacanta ugu hayso Xarakada shabaab ayaa lasoo sheegayaa in dhawaan laga bilaabi doono howlgalo shabaabka loogu saarayo gobolkaasi.

7

6

12 21 31 41

8

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE