Maxaad Kala Socotaa Xaalada Deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelad hoose

Deegaanka Golweyn waxa bartamihii Biashii Ramadaan isaga baxay Ciidamada amisom oo fariisin ku lahaa ka dib amrkii ay soo wajahday baqdin kaga timid dagaalyahaanada Shabaab oo markaasi waday weeraro ay ku qaadayeen xeryaha amisom ay ka degentahay Gobolka shabeelad hoose.

Booskii ay ka baxday amisom waxaa fariisan ciidan ka sameystay Maleeshiyaad hoos taga Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici si halkaasi ay uga faa’ideystaan deegaanka oo haawanayey.

Markii maleeshiyadaas ay fariisinka halkaasi ka sameesteen ayaa waxa suuragali weysay inay kaligooda deegaanka ka difaaci karaan shabaab hadii ay weerar soo qaado.

Maleeshiyaad isugu jira kuwo calooshooda u shaqeystayaal ah iyo kuwo labisan dareeska Ciidamada Milateriga ayaa laga kala keenay degmooyinka Kuntu Waarey iyo Baraawe ee isla gobolka shabeelad hoose.

Muhiimada ka dambeysa in deegaankaas la’isugu keeno Maleeshyaad intasi la eg ayaa lagu sheegay inay noqoto goob fariisin ah oo difaac u ah Deegaanka Buulo Mareer iyo Degmada Baraawe oo kaaba Mooryaanta ay Ukumo dhigteen.

Dadka shacabka ah ayaa waxaa lasoo dersay dhibaatooyinka xaga nolosha ah xilli ay joogta noqdeen handadaada Maleeshiyada ay ku hayaan iyo boobka deegaanka ka bilowday.

Maleeshiyadaas waxa taliye u ah Kaaba Mooryaan lagu magacaabo C/salaan qoobey uu abti u yahay Xasan Jaamici.

Ruux diiday inaan magaciisa warbaahinyta u adeegsano oo qadka aan kula xiriirnay si aan wax uga weydiino xaalada Deegaanka Golweyn ayaa ka deyriyey, wuxuu inoo sheegay in deegaanka qataro badan ay soo wajaheen islamarkaana anuu jirin meel ay u dacwoodaan.

Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan kufsi iyo dhac joogta ah oo lagu haayo shacabka, wadooyinka aada dhinaca beeraha ayuu sheegay inay fadhiyaan Mooryaan dadka dhaceysa oo aan u abaaba yeeleen haba yaraatee dadka shacabka ah.

Ruuxan Golweyn ku sugan ayaa sidoo kale inoo sheegay in barakac uu ka jiro deegaanka dadka intooda badanna hada ay yihiin kuwo isku diyaarinaya inay aadaan meelaha ay ku nabad geli karaan.

Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici oo markaan ay awoodiisa dhigtay inuu saldhig ka sameysto deegaanka Golweyn ayaa laga deyrinayaa dhaqanka Maleeshiyadiisa ay lasoo baxeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE