Muungaab “Hormarka Muqdisho Wuxuu Ku Xiranyahay Amaanka oo La Adkeeyo”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka hadlay homarka Magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in hormarka uu ku xiranyahay in la helo amaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa daboolka ka qaaday in Muqdisho la maalgashan karo kaliya marka la helo amaan iyo iyo kala dambeyn ku filnaata.

Muungaab ayaa sidoo kale tilmaamay in meel foydo iyo khas uu ka jiro aan wax hormar ah laga gaari karin.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Reere Muqdisho in ay la shaqeeyaan Ciidamada nabad suguda iyo kuwo boliiska.

Sida Muuqata hay’adaha amaanka ee Muqdisho ayaa ku fashilmay sugida iyo soo celinta kala dambeynta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran