Nabadoon Maxamed Auukar Timaguduud oo Habeenkii Labaad ku Hoyday Xabsiga Muqdisho.

Waxaa habeenkii labaad xabsiga ku hoyday Nabadoon Maxamed Abukar Timaguduud oo Maalintii seddaxaad laga qabtay wadada Makka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoonka oo Sida la sheegay ku xiran Xabsi ku yaala Madaxtooyada ayaa loo diiday inay soo arkaan eheladiisa iyo asxaab kale oo booqatay.

Waxaa dhicisoobay dadaalo kala duwan oo lagu doonayey in lagu sii daayo oo xuriyadiisa loo soo celiyo hase ahaatee weli waxba ma suuragelin.

Weli ma cada sababta ka dambeysa Xariga Nabadoon Tima guduud.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran