Nin Sheegan Jiray Gudoomiyaha Degmada Janaale oo Xalay Lagu Dilay Degmadaasi

Wararka ka imaanaya degmada Janaale ee Gobolka Shabeelad hoose ayaa sheegaya in degmadaasi xalay lagu dilay Nin sheegan jiray inuu yahay Gudoomiyaha Janaale.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Ibraahim Siid Cali (Garaad) ayaa dhawaanahay waxa uu ku sugnaa Muqdisho ka dib markii deegaanka ay isaga baxeen Maleeshiyadii Axmed Absuge oo ku ilaalin jiratya Janaale.

C/qaadir Ibraahim ayaa siday wararku sheegayaan degmada kusoo laabtay shalay gelinkii hore,waxana xalay saqdii dhexe guri uu ka degenaa Janaale kala baxay kooxo hubeysan.

Qaabka uu u dhacay Dilka Garaad ayaa warar iskhilaafsan kasoo baxayaan, warar ayaa sheegaya in madaxa loogu dhuftay ilaa 6 xabadood halka wararka qaarna ay tilmaamayaan in lakala reebay Madaxiisa iyo jirka intiisa kale (La gowracay).

Dadka reer janaale ayaa saake ku waa bariistay Ninkan oo dhexyaala bartamaha Degmada Janaale.

Hadaba Waa Kuma C/qaadir Ibraahim Siid Cali (Garaad).

C/qaadir Garaad ayaa in muda ah ku maqnaa Dalka dibadiisa wuxuu haystay dhalashada Dalka Netherland, wuxuu deegaanka kusoo laabtay markii halkaasi uu isaga tagay Gudoomiyihii Deegaanka Maxamed Idiris Cabdi Keerow.

Maamulkii Fashilmay ee Shabelle State ayaa Ninka u magacaabay Gudoomiyaha Janaale, isagoo sida la sheegey halkaasi looga qaatay lacag tiradeeda aan la heli.

Waxaa deegaanka usoo galbiyey Gaadiid dagaal isagoo mrkaasi uu la socday C/qaadir Siidii, Ninkan waxa lagu wareejiyey Axmed Absuge oo weliba loo sheegay inuu yahay Gudoomiyaha Degmada Janaale ee Maamulka Shabelle State.

In Mudo ah ayuu Garaad ku sugnaa janaale, waxaana meeshaas mar gaaray Wasiiro iyo ku xigeeno ka tirsanaa Maamulka Koonfur galbeed.

Wasiirada ayaa ku kala qaybsamay Mas’uuliyada garaadka xalay la dilay, qaarkood ayaa soo jeediyey maadaama uu isagu intaasi deegaanka joogay uu yahay gudoomiyaha saxda ah ee Janaale uuna ku ogyahay Maamulka koonfur galbeed.

Wasiiradaas sidaa ku doodaya ayaa ka duulayey heshiiska qarsoodiga ah ee dhex maray Shariif Xasan iyo Kaaba Mooryaanta Shabelle State oo ahaa in shakhsi kasta oo Maamulkooda ka tirsanaa loo daayo meesha uu joogo.

Halka Wasiirada qaarna ay ku doodayeen in Gudoomiyaha saxda uu yahay Maxamed Idiris Cabdi Keerow oo markaasi wafdiga ka mid ahaa.

Garaad ayaa aaday Magaalada Marka si mar kale uu u muujiyo inuu yahay Gudoomiyahaya Janaale, waxaa maalin maalmaha ka mid ah laga diray Marka isagoo loo kireeyey Gaari loona saaray Odayaal si ay u xalaaleeyaan Jagada uu sheeganayey.

Garaad Ibraahin ayaa Janaale isaga tagay Markii halkaasi ay isaga baxeen Maleeshiyadii Axmed Absuge. Shalay ayuu Janeeele kusoo laabtay, Xalayna waxa halkaasi ku dilay kooxo hubeysa.

garaad..
C/qaadir Ibraahim Siidcali (Garaad)
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE