Qaramada Midoobay Oo ku Baaqday in La Baaro Dacadiyada Ka Dhacaya Magaalada Marka

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nichlos kay ayaa sheegay inuu ka naxay markii uu soo gaaray qabar sheegaya in waxyeelo ay soo gaartay dad shacab ah oo ku dhaqan Magaalada Marka.

Waxaa uu ka tacsiyadeeyey shaqaaqooyinka ka jira Marka, wuxuuna daboolka ka qaaday in loo baahanyahay in la sameeyo baaritaano xoogan si loo ogaado sababta ka dambeysa in ay dhintaan dada shacab ah oo aan waxba galabsan, cidii Mas’uuliyadaas ka dambeysana lagula xisaabtamo.

Magaalada Marka ayaa waxa ka dhaca dhibaatooyin joogta ah oo ay la kulmaan dadka shcabka ah xiliyada Ciidamada amisom ay marayaan wadada dhex marta magaalada.

Mudo Bilooyin ka hor ayaa Ciidamada amisom ay burburiyeen guryo iyo goobo ganacsi ah oo ku yaala Wadad hareeraheeda.

Waxaana taasi hada daba taal dilka iyo barakicinta amisom ay ku qasbeyso dadka shacabka ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE