Warsaxafadeed ka soo baxay Beesha Caalmka oo ka nixiyay Xasan Shekh Maxamuud

Waxa si wada jir ah war saxafadeed u soo saaray QM, midowga Yurub, urur goboleedka IGAD, midowga Afrika, howlgalka  Amisom, dawladaha Mareykanka iyo Uk, waxay war saxaafadeedkooda uga hadlayeen hiigsiga 2016.

Baasha Caalamka ayaa war saxafadeedkooka ku sheegay in marna la ay ogolaan doonin in ay madaxda Soomaaliya ay sameystaan mudo kordhin, taas oo ay ku tilmaameen mid aan la aqbali doonin.

Baasha caalamka way ogsoon tahay in Soomaaliya ay ka suurta gelin doorasho qof iyo codkiisa, laakiin loo baahan yahay in la helo hanaan kii hore ka sii miisan culus.

Waxaan ku booraneynaa dhammaan dhinacyada Soomalida ee ay khuseyso arimaha Hiigsiga 2016 in ay hal meel u soo wada jeestaan, isla markaasna mideeyaan aragtadooda.

Baasha Caalamha ayaa warkoodan ku sheegay in ay si dhow ula socon doonaan hadba meesha ay mareyso marxaladaha, waxayna taageeraynaa in ay doorasho dhacdo 2016, ayna jiri doonin wax mudo kordhin ah.

Urarada iyo dawladaha daneeya in Soomaaliya xal laga gaaro ayaa aad ugu niyad jabsan Dawladda Xasan Shekh Maxamuud, taas oo la daala dhaceysa  khilaaf iyo amni xumo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE