Amisom oo War Saxaafadeed Kasoo Saartay Dhibaatadii Ka Dhacday Marka

Taliska Howlgalka Midowga Afrila ee Soomaaliya ayaa War saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay soo gaareen warbixino badan oo dacwo ah oo lagu eedeenaayo inay si ula kac ah u dileen dad shacab ah oo ku dhaqan Marka.

Warsaxaafadeedka ayaa amiom ku sheegtay inay wadeen howlgal nabad ilaalin ah oo amaanka lagu sugayey, waxayna sheegeen in kolonyo u siday sahay ay soo weerareen shabaab ka dibna ay isdifaaceen.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa taliska amisom ku sheegay in kulan ay la qaateen odayaasha dhaqanka loogu baaqay inay isaga guuraan fariisin ay ku leeyihiin xaafad ku taala Marka si loogu nabad galo weerarada, hase ahaatee amisom ay iska diiday codsigaasi maadaama fariisinka loogu baaqay inay isaga guuraan uu yahay mid muhiim u ah howlgalkooda.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in la bilaabay baaris ku saabsan siday wax u dhaceen, waxaana loo yeeray taliyaha amisom ee eeriyada Marka si wax loogu weydiiyo falalka ka dhacay Marka.

Amisom ayaa ugu dambayn warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay inay Dowlada iyo Maamulka Koonfur galbeed kala shaqeeneyso Xasiloonida Magaalada Marka.

Warsaxaafadeedka Amisom kuma sheegin inay xirtay laba askari oo ka tirsan Ciidankooda oo falkii lagu dilay Dad rayid ah ee ka dhacay Marka ka dambeeyey si baaris loogu sameeyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE