Ciidamada Nabad Sugida Oo Sheegay Inay Burburiyeen Fariisimiyaal ay Shabab ku Lahaayeen Duleedka Muqdisho

Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ayaa sheegay inay burburiyen goobo ay lahaayeen Shabaab oo ku yaalay Duleedka Muqdisho.

Nabad sugidu oo howlgal ka sameysay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Lafoole ayaa kula wareegay goob ay shabaabku kasoo abaabuli jireen weerarada lagu qaado xarumaha Dowlada ee ku kala yaala Muqdisho, Afgioye iyo Lafaoole.

Waxay nabad sugidu tilmaamtay inay gacanta ku dhigeen walxaha qarxa iyo agab kale oo shabaabku u adeegsan jireen inay kusoo weerar galaan.

Saraakiisha Nabad Sugida Qaranka ayaa inta badan soo saara warbixno ay ku sheegayaan inay howlgalo ka sameeyeen  goobo kala duwan oo ku kala yaala Muqdisho iyo duleedyadeeda halkaas oo ay kusoo qab qabtaan dagaalyahaano shabaab ah iyo hub ay adeegsan jireen hase ahaatee waxaa weli istaagi la’ weerarada shabaab ay ku qaadayaan xarumaha dowlada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE