C/Xakiin Fiqi “Shacabka Marka kuma Daaboobi Karaan Warsaxaafadeed Lasoo saaro”

Wasiirkii hore Gaashaandhiga Xukuumadii hore C/xakiin Xaaji Maxamuud fiqi oo ka hadlayey dhibaatada Ciidamada amisom ay ka geysteen Magaalada Marka ayaa si kulul u weeraray amisom.

Fiqi ayaa sheegay in amisom howsheedu tahay la dagaalanka shabaab iyo tababar siinta ciidamada dowlada, islamrkaana iyaga aan loogu talagelin inay laayaan shacabka oo rasaas ay la dhacaan.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa arintan ku sababeeyey la xisaabtan la’aanta amisom oo aynaan jirin cid kula xisaabtanta dhibaatooyinka ay u geysanyaan Soomaalida.

Wuxuu kaloo sheegay in shacabka ku dhaqan Marka ee dhibaatada loo geystay inay ku daaboobi karin warsaxaafadeed lasoo saaro.

“Shacabka Marka ku dhaqan kuma daaboobi karaan Warsaxaafadeed lasoo saaro hase ahaatee waxay u baahanyihiin talaabooyin cad cad oo la qaado” ayuu yiri fiqi.

Wuxuu ku baaqay in Maxkamad lasoo taago saarkiisha Ciidamada amisom iyo askartii ka dambeysay falkan lagu laayey dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ugu dambayn wax kama jiraan ku tilmaamay in amisom ay isaga guurto fariisimiyaal ay ku leedahay Marka wuxuuna taas ku micneeyey in shabaab ay la wareegeyso deegaanada ay faarujiyaan Ciidamada amisom.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE