Dagaalo Xoogan Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Saraakiisha Ciidamada Dowlada Fedaraalka ayaa soo sheegaya in dagaal xoogan ay la galeen ciidamada dowlada iyo kuwa amisom oo isgarabsanaya iyo dagaalyahaanada Shabaab uu ka dhacay Duleedka Baardheere.

Sida lasoo sheegayo dagaalka ayaa ka dambeeyey ka dib markii ciidamada amisom ay u ruqaansadeen deegaanka Faanweyn oo u dhaxeeya Baardheere iyo Garbahaarey oo ay fariisin ku lahaayeen shabaab.

Dagalaaka ayaa sida lasoo wariyey geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaaca, waxaana xoogiisa uu ka dhacay deegaan 35 km u jira Degmada Garbahaarey ee Gobolkaas gedo.

Dagaalyahaanada shabaab ee dhawaan laga fara maroojiyey Degmada Baardheere ayaa weli ku sugan deegaano ku dhow Baardheere oo inta badan ay weerar kaga qaadaan Ciidamada dowlada iyo amisom ee halkaasi ku sugan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran