Dhegeyso Ugaas Axmidey Ugaas Siid Cali “Nabadoon Tima Guduud si Gardara ah ayuu ku Xiranyahay”

Ugaaa Axmed Ugaas Siid Cali oo ah Ugaaska guud ee Beesha Biimaal ayaa waxa uu ka hadlay Xariga gardarada ah ee lagula kacay Nabadoonka Guud ee Beesha Biima Nabadoon Maxamed Abuukar Tima Guduud.

Ugaaska ayaa arin laga xumaado ku tilmaamay in nin Nabadoon ah lagula dhaqmo shakhsi sidii argagaxisa ah oo lagu soo weeraro Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo argagaxa lagu abuuray qoyskiisa.

Ugaas Axmidey ayaa ugu baaqay cid kasta oo ku shaqa leh xariga Nabadoonka inuu dib usiiyo xuriyadiisa Maadaama uu ahaa hogaan dhaqan kana shaqeenayey nabada iyo isdhaxgalka Bulshada.

Dhegeyso Ugaaska Guud ee Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE