Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Looga yeeray Kalfadhiga Baarlamaanka

Xillibaano ka tirsan Baarlamaanka fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa warqad u gudbiyey gudoonka sare ee Baarlamaanka taas oo ay kaga codsanayaan in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu horyimaado Baarlamaanka.

Gudoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa Xillibaanada baarlamaanka ku eedeeyeen inuu dhowr jeer oo hore oo looga yeeray fadhiga baarlamaanka uu imaan waayey.

Xillibaanada soo jeediyey imaatinka Muungaab ee Baarlamaanka hortiisa ayaa doonaya inay wax ka weydiiyaan barakicin ay sheengeen in lagu haayo  dad shacab ah islamarkaan la dhigay guri la’aan iyadoo dadka la barakicinayo ay milki ahaan dhulka iska leeyihiin.

Xillibaanada  ayaa qaba in Muungaab iyo maamulka gobolka Banaadir talaabo uu ka qaado Baarlamaanaka hadii ay ka dhega fureystaan amarka lagu siiyey inay Baarlamaanka horyimaadaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran