Muungaab oo Booqasho Ku Jooga Kenya, Kulanna La qaadan Doona Dhigiisa Nairobi

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa safar ku jooga Magalaada Nairobi ee Dalka Kenya.

Muungaab ayaa casuumad ka helay Duqa Magaalada Nairobi Evans Kidero waxaana lagu wadaa inuu Maanta kulan la qaato.

Labada Duq Magaalo ayaa ka wada hadli doona sida loo xoojin lahaa xiriirka Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

C/fataax Cumar Xale afahayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo qayb ka ah safarka Gudoomiye Muungaab ayaa warbaahinta u sheegay in labada duq Magaalo kulanka maanta ay ku kala saxiixan doonaan heshiis dhanka hormarinta oo dhex mari doonaan Muqdisho iyo Nairobi.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE