Saraakiil Ka Tirsan Shabaab oo Lagu Duqeeyey Gobolka Baay.

Wararka ka imaanay Gobolka Baay ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee amisom ay howlgal ka fuliyeen deegaan hoos taga Degmada Buur hakaba.

siday wararku tilmaamayaan diyraada amisom ay leedahaya ayaa duqeyn ka fulisay deegaanka daldoole oo Buur hakaba ka tirsan halkaas oo sida la tuhunsanyahay lagu waxyeeleeyey saraakiil ka tirsan shabaab.

Howlgalka oo sida la sheegay qorsheysnaa ayaa lagu soo waramayaa in lagu burbuiyey saldhigyo ay lahaayeen Alshabaab, islamarkaana lagu dilay inta uu socday howlgalka tiroka tirsan shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaaidii dagaal lagu soo furtay howlgalka kuwa kalana la gubay, gaadiidka dagaal ee ay soo furteen amisom oo la geeyey Baydhaba ayaa maanta lagu wadaa in loo soo bandhigo saxaafada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran