Tahriibiyaal Lagu La’yahay Xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga

Xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga ayaa lagu la’yahay boqolaal tahriibayaal  doonayey inay u gudbaan Wadamada Yurub.

Dooni siday inkabadan 600 muhaajiriin ah ayaa ku degtay Badda Medetereraneanka, waxaana laga soo badbaadiyey ilaa 400 oo qof halka la helay 25 ruux oo meyd ah.

Maraakiib gaareysa ilaa seddax markab ayaa ku jira baadi goobka lagu doonayo in lagu helo doonida siday muhaajiriinta.

Inka badan 2000 muhaajiriin u badan Afrikaan ayaa sanadkan oo keliya ku dhintey xeebaha Libya iyo Talyaaniga u dhaxeeya iyagoo isku dayaya in ay u gudbaan qaaradda Yurub si ay nolol cusub uga sameystaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran